U bood dhigaalka

Duqa Boosaaso “Mataaneyntii Boosaaso iyo Minneapolis Horumar Weyn Ayay La Timid”

Sheeko:Dalka

Xasan Cabdalle XasanDuqa magaalada Boosaaso, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka magaaladaasi Xasan Cabdalle Xasan oo maanta hadal ka jeediyey furitaankii kalfadhigii 7 aad ee golaha deegaanka ayaa sheegey in mataaneyntii magaalooyinka Boosaaso iyo Minneapolis ay horseedey horumar la taaban karo.

Mar uu dhinaca kale ka hadlayay waxqabadkii golaha deegaanka Boosaaso ayuu sheegey in la dhisey dhawr waddo oo laami ah oo gala meelaha ilaha dhaqaalaha magaalada sida Garoonka iyo dekada iyo wadooyin kale.

Waxa uu sheegey in 3 xaafadood oo magaalada ka tirsan laga dhisey xarumo bulsho, halka tuulooyin, sida tuulada Kala Beyr laga dhisey baraago iyo xarumo caafimaad.

Sanadka soo socda ayuu sheegey in ay u qorsheysantahay in ay magaalada ka hirgaliyaan illaa 200 baalayaasha leerarka cadceeda ku shaqeeya si habeenkii magaalada meel kasta loo mari karo.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegey in ay dhiseen illaa 500 guri oo loo dhisey dad danyar ah iyo kuwa barakayaal ah.

Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Axmed Karaash oo shirka ka qeybgalay ayaa sheegey in ay jiraan dad reer Puntland ah oo gudaha dhulkaasi ku barakacsan, loona baahanyahay in wax loo qabto.

Kalfadhiga ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee sanadkani uu yeesho golaha, kulankii maantana waxaa fadhiyey 26 mudane, halka ay fasax ku maqnaayeen 3 mudane.

Goobjoog News