U bood dhigaalka

Axmed Macalin Fiqi oo Ku Dhawaaqay in uu Yahay Musharax Madaxweynenimo Gobolada Dhexe

Sheeko:Dalka

Axmed Macalin FiqiXaflad balaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee gobolada dhexe ku dhawaaqay Axmed Macalin Fiqi oo ahaan jirey agaasimihii hey’adda nabad sugidda qaranka.

Axmed oo hadal dheer ka jeediyey madasha ayaa sameeyey balanqaadyo kala duwan haddii xilka madaxnimo loo doorto.

Waxaabihii uu balan qaaday waxaa ka mid ahaa in uu marka hore aqoonsanyahay maamuladii gobolada dhexe ka jira waxa ay qabteen, islamarkaasina ay asaas wanaagsan u yihiin maamul goboleedka la dhisi doono.

Wuxuu sheegey in qodobka labaad uu yahay caddaalada maadaamaa goboladani ay ku dhaqanyihiin dadka Soomaaliyeed dad ku abtirsada heeb ahaan, hubka ugu badana uu yaalo “Waxaan dhiseynaa Garsoor ka sareeya qofka iyo laandheernimadiisa, kaasi oo qofka dulman u hiilinaya, kan gardarana ka celinaya “ ayuu Axmed Fiqi oo uu sacab badan u dhacay.

Garsoorka ayuu sheegey in uu xal u noqonayo in wiil qori wata uusan is hortaagin mashruuc iskuul ama isbitaal lagu dhisayo “Mashaariicdii gobolkaasi laga fulin lahaa intooda badan waxa ay u baaqdeen in dad is hortaageen” ayuu yiri Axmed.

“Sida iskuul iyo isbitaal loogu baahanyahay ayaana xabsi loogu baahanyahay” ayuu intaasi raaciyey.

Mar uu ka hadlayay deegaano aanan wali gacanta dowladda ku jirin ayuu sheegey in Alshabaab iyo burcad badeed ay heystaan deegaano badan, iyada oo dadkii deegaanadaasi aysan ergo usoo dirsan kari shirka, wuxuuna Fiqi sheegey in doorka dadkaasi markasta loo hambeeynayo.

Wuxuu sheegey in loo baahanyahay dhaqancelin loo sameeyo dhalinyarada hubeysan ee fal dambiyeedyada ka geysanaya qeybo ka mid ah goboladaasi.

Axmed Macalin Fiqi oo horey usoo noqdey danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan ayaa ku biiraya liiska dheer ee musharixiinta u taagan madaxtinimada gobolada dhexe.

Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa muddooyinka dhow ee soo socda lagu wadaa in uu furmo, laguna soo doorto madaxweyne iyo gole baarlamaanka, wuxuuna maamulkani ku biirayaa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dhageyso

 

Goobjoog News