U bood dhigaalka

Barre Hiiraale Oo Ku Eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh In Uu Hareer Maray Dastuurka KMG ee Dalka U Yaala (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Korneyl Barre Aadan Shire (Hiiraale)
Korneyl Barre Aadan Shire (Hiiraale)

Korneel Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu jabiyay Dastuurka KMG ee dalka u yaala.

Waxa uu sheegay Barre Oo BBC la hadlayay in waxyaabaha uu ku dhaliilsan yahay madaxweynaha ay ka mid tahay, wax ka bedalka heshiiskii horay loola gaaray maamulka KMG ee Jubba, uuna hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha waxa uu jabiyay Dastuurkii, qaabka uu ula dhaqmo Axmed Madoobe waa wax ka baxsan Dastuurka, heshiikiina isaga ayaa bur buriyay” ayuu yiri Barre Hiiraale.

Dhinaca kale Barre Hiiraale ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu Madaxweyne u aqoonsan karin hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha ma magacaabi karo madaxweyne, Dastuurkana kuma qorna, dadka ku dhaqan gobalada Jubooyinka iyo Gedo iyaga ayaa dooranaya cidda Madaxweyne u noqonaysa” ayuu hadalkiisa raaciyay Hiiraale.

Dhanka kale Mar uu Barre soo hadal qaaday arinta ku aadan shirkii dib u heshiisiinta ayuu sheegay in dowladda ay hareer martay arinkaasi, islamarkaana loo baahnaa in shirka Laba dhinac loo qabto dowladana garwadeen ka noqoto.

“Aniga shirkii Kismaayo ma diidin, laakiinse iyadoo khilaaf jiro ayuu madaxweynaha iska soo furay, aniga ayuu ii yimid maalintii uu baxaayay, waxaana uu i dhahay soo bax i raac, aniga ma waxaan ka mid ahay wafdiga madaxweynaha” Barre ayaa hadalkiisa intaan ku daray.

Ugu dambeyn Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay in dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh uu caqabad ku noqday heshii ay wada gaari lahaayeen dadka wada degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana dhanka kale uu ku hanjabay in is abaabul ay ka sameyn doonaan deegaanada ay ka joogaan gobaladaasi.

Dhawaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu magaalada Kismaayo ka sheegay in Hogaamiyaha maamulka kMG ee Jubba loogu yeeri doono Madaxweynaha Jubaland, taasi oo keentay in dad badan ay ka hadlaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News