U bood dhigaalka

Axmed Siilaanyo “Walaalkeey Xassan Sheekh iyo Dowladiisa Waan u Mahadcelinayaa”

Sheeko:Dalka

siilaanyoMadaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo hadal ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayay heshiis ay wada gaareen Somaliland iyo dowladda federaalka ayaa ka mahadceliyey marti soorka dowladda Jabuuti, isaga oo ku amaanay sida mar kasta Jabuuti ay u garabtaagantahay umadda Soomaaliyeed.

Siilaanyo ayaa sidoo kale u mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay in uu yahay “walaalkiis’, wuxuu sheegey in iyaga markasta ay dadaal ugu jiraan sidii labada dhinac isku fahmi lahaayeen, waxna u wada qabsan lahaayeen.

Wuxuu balanqaaday in dhinacooda wixii looga baahdo ay fulinayaan, diyaarna u yihiin in xal waara la gaaro.

 

Dhageyso

Goobjoog News