U bood dhigaalka

Bahda waxbarashada oo u hambalyeesay Goobjoog FM

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”27″]

Bahda waxbrashada oo ay ugu horreeyaan Iskuulada ku yaalla degmooyinka gobalka Banaadir ayaa Goobjoog FM ugu hambalyeeyay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay oo ku beegan maanta.

Mar ay inagu soo booqdeen daarta ay ku taallo Goobjoog FM ayay sheegeen in dhammaan maamulka, shaqaalaha iyo dhageystayaasha Goobjoog oo iyagu ay kamid yihiin sida ay sheegeen ay ka dhahayaan Hambalyo sanad guuradii labaad ee aas-aaskeeda.

Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo ah hormuudka Jaamacadda SIU ayaa sheegay in Goobjoog FM ay ku amaanayaan kaalinta ay ka qaadanayso hormarinta iyo kobcinta xagga waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed.

Macallin Cabdirisaaq Nuur Jimcaale oo kamid ah maamulayaasha mid kamid ah Iskuulada Xamar ayaa sheegay in Goobjoog FM ay ku amaanayaan wax badan sida baahinta tartan aqooneedkii KEDIS oo ay Idaacaddu baahisay labo jeer iyo sidoo kale barnaamijka ku saabsan waxbarashada iyo cilmi kororsiga.

Dhinaca kale, Cartan Cabdisalaan Calasow oo isna kamid ah maamulayaasha Macaahida Muqdisho ayaa sheegay in ay u hambalyaynayaan Goobjoog FM sanad guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay, wuxuuna sidoo kale fariin hambalyo ah u diray dhammaan dhageystayaasheeda ku tixan.

Goobjoog FM ayaa la aas-aasay 14-kii July sanadkii 2012-ka waxaana intii ay Idaacaddu furnayd ay baahisay tartamo sanadle ahaa oo ardayda gobalka Banaadir ay ku tartamayeen.

Wararka waxbarshada Goobjoog news