U bood dhigaalka

Deegaanka Bariire Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Ka Dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

shuban biyoodWararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha hoose waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, iyadoo sidoo kale halkaasi laga soo sheegayo cudurka duumada.

Cali Cabdoow Shuceyb oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xaaladda ay tahay mid maalinba maalinta ka dambeysa kasii darayso, islamarkaana cuduradaan ay la il daran yihiin dad aad u badan.

Waxa uu sheegay in dadka xanuunsanaya badi ay yihiin caruur, iyadoo intaasi ay u dheertay goobo caafimaad oo dadka lagu daweeyo islamarkaasina halkaasi ku yaalla.

“Isbitaalo malahan deegaanka, waxaana dadka maalinba maalinta ka dambeysa soo dhacaya dad qaba cudurada Duumada iyo Shuban Biyoodka, waxaana ka dalbaneynaa dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ah in gurmad deg deg ah nala soo gaaraan” ayuu yiri Cali Cabdoow Shuceyb.

Dhanka kale Isbitaalka degmada Afgooye ayaa lasoo gaarsiiyay dad badan oo Shuban Biyood iyo Duumadu ay soo ridatay, kuwaa oo haatan xaaladooda lala tacaalayo.

Halkaan Hoose Ka dhageyso

Goobjoog News