U bood dhigaalka

Laamaha Gurmadka Dowladda oo Degdeg Oga Jawaabay Dab Ka Kacay Hoteel Muqdisho Ku Yaala (Sawirro)

Sheeko:Caafimaadka

IMG_5137Gaadiidka Dab Damiska, Ciidamada Booliska iyo Gaariga Gurmadka Degdegta ah ama Ablaasta ayaa muddo 9 daqiiqo gudahood ah ku gaaray goob hotel ah oo uu dab ka kacay magaalada Muqdisho caawo.

Koox wariyeyaal ah oo ka socda Goobjoog oo iyaguna markiiba goobta gaaray ayaa soo arkay jawaabta degdegta ah ee laamaha gurmadka ee ay dowladda ka bixiyeen dabka dhacay xili habeenimo ah iyo abaabulka aanan horey looga baranin Soomaaliya.

Ciidamada booliska ayaa xirey wadada Isbitaal Banaadir iyo Digfeer Isku xirta halkaasi oo uu ku yaalo Hotel Karamal oo uu dabka ka dhacay, waxaa sidoo kale hawlgalay dab damiska shirkadda hormuud iyo gaariga ambalaasta oo isagu meesha heegan ku ahaa balse nasiib wanaag ma aysan jirin cid ku dhaawacantay ama ku dhimatay dabka.

Kooxaha dabdamiska ayaa markiiba ku guuleystey in ay dabka baqtiiyaan, waxaase hoteelka soo gaaray qasaare maaliyadeed oo aanan wali la shaacin cadad ahaan.

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdiqaadir Cali Kulane oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii goobta soo gaaray ayaa Goobjoog u sheegey in dowladda ay ka go’antahay in ay gurmad u fidiyaan shacabka markasta oo uu dhib dhoco.

Taliyaha saldhigga Booliiska Hodan Maxamed Daahir oo isna Goobjoog kula hadlay goobta ayaa u sheegey in sababta keentey gurmadka durbada ah ay ahayd in markii horaba ay diyaar usii ahaayeen haddii wax dhacaan in laga jawaabo.

“Anaga waxa aan u xilsaaranahay badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, waad aragtaa booliska nabad galyada ayay illaalinayaan, kooxaha dab damiska dabkii ayay daminayaan, halka kooxaha caafimaadka ay heegan u yihiin haddii qof waxyeeloobey in ay badbaadiyaan” ayuu yiri Taliyaha oo xiliga uu nala hadlayay kala hagayay hawlaha gurmadka.

Ciidamada ayaa kala eryey dad badan oo meesha isugu soo xoomey si naftooda aysan waxbo usoo gaarin, iyada oo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka laga xirey aagga uu dabka ka kacay.

Tani waxa ay muujineysaa caadi kusoo laabashada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka iyo adeegyadii dowladda oo tartiib tartiib usoo laabanaya.

Dhageyso

 

IMG_5145 IMG_5142 IMG_5141 IMG_5140