U bood dhigaalka

Gargaarka iyo Mashaariicda uu Turkigu ka fuliyey Soomaaliya

Sheeko:War

Imaanshihii Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ee Soomaaliya 19-kii Agoosto 2011-kii waxaa dabo socdey gargaar iyo mashaariic horumarineed kuwaasi oo baaxadooda iyaga oo kale aanan horey loo arag, waana kuwa socda 3 sano kadib macaluushii ay Turkida usoo gurmadeen wali socota.

Inkasta oo aanan soo wada koobi karin dhamaan gargaarkii iyo mashaariicdii ay dalka ka fuliyeen Turkida tiro ahaan iyo tafaasiilba , hadana waxaan soo taxaynaa qaar ka mid ah kuwoodii ugu waaweynaa.

 

 

Gargaarkii Macaluushii 2011-ka

  1. Booqashadii Erdogan kadib, Shirkadaha gaarka ah iyo dadweynaha Turkiga waxa ay Soomaaliya u ururiyeen kaalmo gaareysa $360 Malyuun oo doolar , taasi oo wax looga qabanayay abaartii jirtey
  2. Sanaddii 2010-kii Turkiga waxa uu abaabuley shirweyne caalami ah oo lacago loogu yaboohayay Soomaaliya, waxaan shirkaasi ka qeybgalay 57 dal, halkaasi oo Soomaaliya loogu yaboohay lacago badan
  3. Hey’adda bisha cas ee Turkiga oo ah tan ugu weyn ee hawlaha gargaarka ka fulisa Soomaaliya waxa ay 3-dii sano ee lasoo dhaafay dalka keentey wax ka badan 10 markab oo mucaawino ah, kuwaasi oo kaliya waday bur iyo sokor, midkiibana uu waday wax ka badan 10 tan oo raashiin ah.
  4. 18-ka gobol ee dalka marka laga reebo Mudug iyo Galgaduud dhamaan waa ay gaartay kaalmada cunto ee Turkiga, taasi oo ay hormuud ka ahayd hay’adda bisha cas ee Turkiga.
  5. Xerada loo barokacay ee Rajo ee magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin wax ka badan 45 kun oo barokacayaal ah, hey’adda bisha cas ee Turkiga qoys kasta waxa ay u dhistey teendho, jiko, musqul, waxayna u galisey leer, waxay xerada ka dhex samaysay waddooyin habaysan, waxaa dadkaasi la siiyaa raashiin bil kasta oo biil ah, iyo maalin kasta oo ay rooti ka helaan foorno halkaasi Turkida ka dhiseen.
  6. Degmada Xamar Weyne waxaa ku taala jiko weyn oo lagu kariyo cuntada bisil, taasi oo maalin kasta laga quudiyo 14169 qof (Tobon iyo afar kun, boqol lixdan iyo sagaal qof) oo isugu jira agoon iyo dad barokacayaal ah oo ku jira xarumo kala duwan magaalada, kuwaasi oo gaadiid loogu daabulo raashiinka karsan, isla jikadani waxaa subax kasta laga qeybiyaa 11600 oo rooti ah (Koow iyo tobon kun iyo lix boqol xabbo oo rooti ah), iyada oo 15 maalmood oo kasta laga qalo neef geel ah, si nafaqada jirka ee dadka loo dhamaystiro.

Gargaarka Caafimaadka

  1. Mashruuca ugu weynaa ee xagga caafimaadka ee Turkida ay ka fuliyeen Soomaaliya waa isbitaalka Digfeer oo ah isbitaalka Afrika ugu weyn, kaasi oo leh dhamaan adeegyaddii caafimaad ee isbitaal looga baahnaa, kuwaasi oo casri ah, islamarkaasina la jaanqaadaya heerka caalamiga ah. Waxaa ku baxday wax ka badan 30 malyuun oo doolar oo qarash ah mashruucani isbitaalka Digfeer
  2. Turkiga waxa ay dhisayaan iskuulka tabobarka kalkaaliseyaasha kaasi oo lagu tabobari doono xirfadlayaasha caafimaad ee Soomaaliya. Waxaa iskuulkani laga dhisayaa halkii uu ahaan jirey kuleejkii Nova, waxaana dhismihiisa iyo hawlgalintiisa ku kacaysa lacag gaaraysa $4.5 malyuun oo doolar.
  3. Turkiga waxa ay gargaar caafimaad oo aan kala joogsi lahayn u fidiyaan mas’uuliyiinta iyo muwaadhiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeelooba weerarada iyo qaraxyada dalka ka dhaca, kuwaasi oo gudaha dalka wax looga qaban waayay xaaladooda caafimaad.
  4. Hey’ad Turki ayaa waxa ay dhiseysaa isbitaal weyn oo carruurta kaliya ah

Xagga Waxbarashada

  1. Illaa 1500 arday Soomaaliyeed ayaa la siiyey deeqo waxbarasho oo isugu jira dugsi hoose/dhexe illaa heer jaamacadeed , waxaana la sheegey in deeqdani waxbarasho ay ku baxday illaa $70 malyuun oo doolar sida uu sheegey safiirkii hore ee Turkiga Soomaaliya u fadhiyey Kani Torun.
  2. Illaa 1000 arday oo Soomaali ayaa iyaguna dalka Turkiga lagu soo siiyey tabobar xagga luuqada Turkiga ah kuwaasi oo inta dalka dib ugu soo laabtay maanta dhamaantood u shaqeeya hey’adaha Turkiga, iyaga oo turjumaano u ah , islamarkaasina ku shaqeeya mushaaraad wanaagsan oo qoysas badan ka aflaxeen
  3. Turkiga waxa uu caasimadda ka dhisey illaa 4 iskuul iyo 2 iskuul oo agoonta kaliya ah , waxaa kale oo uu dalka meelo kale ka dhisey illaa 5 iskuul
  4. Waxa uu Turkiga dhisey, iskuulka tabobarka duulista hawada sare, kaasi oo ah kan kaliya ee dalka ku yaala oo lagu baran karo aqoonta garoomada iyo duulista hawada sare waxa xiriirka la leh.

 


Mashaariicda Waaweyn ee uu Turkiga Ka Qabtay Dalka

  1. Mashruuca ugu weyn ee uu Turkiga dalka ka qabtay waa dhismaha waddooyinka laamiga ah ee magaalada Muqdisho, jidadka uu dhisey Turkiga waxa ay gaarayaan illaa 86 kiilo mitir, kuwaasi oo 22 kiilo mitir oo ka mid ah la galiyey nalal cadceedda ku shaqeeya, waxaana ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan sida Makka Al-Mukarama , dhismaha waddooyinka waxaa ku baxday lacag ka baddan $43 malyuun oo doolar, walina hawsha waa mid sii socota
  2. Shirkad lagu magacaabo Favori ayaa maalgashi xooggan ku samaysatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan laga soo bilaabo bishii September 2013, waxaa mashruucani ku kacaysa illaa $10 malyuun oo doolar, waxaana la sheegey in garoonka baaxadiisa la gaarsiinayo illaa in 60 diyaaradood ay markaliya isticmaali karto, garoonka oo uu xariga ka jarayo madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan, waxaa loo dhamaystirey dhamaan adeegyadii uu garoon u baahnaa
  3. Shirkad kale oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Turkiga oo lagu magacaabo Al-Beyraak ayaa iyaduna la wareegtey maamulista dekeda weyn ee Muqdisho bishii September 21, 2014, halkaasi oo la casriyeey adeegyada, iyada oo la balaarinayo baaxadda dekeda si ay u qaabili karto xamuul aad u badan oo kasoo dega.


Xiriirka Dublamaasiyadeed iyo Heshiisyada

  1. Turkiga waxa ay safaarad ka furatay magaalada Muqdisho, wuxuuna Turkiga noqdey dalkii ugu horeeyey ee aanan Afrikaan ahayn ee safaarad ka furtsa Soomaaliya muddo 20 sano ah oo dalka burbur ku jirey, safaaradani waxaa la furey 1dii bishii November, 2011-ka, waxaana xiligaasi safiir loosoo magacaabay Danjire Kani Torun
  2. Soomaaliya ayaa iyaduna safaarad ka furatay magaalada Ankara ee Turkiga, waxaana u fadhiya Danjire Maxamed Mursal
  3. Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airline ayaa markii ugu horeysey biloowdey duulimaadyo toos ah oo ay ku imaanayso magaalada Muqdisho bishii Maarso 2012-kii, waxayna noqotey shirkadda duulimaad ee kaliya ee caalamiga ah ee duulimaadyo caalami ah ka samaysa Soomaaliya.
  4. Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah oo u badan xagga ciidamada, heshiiskii ugu horeeyey oo xagga ciidamada waxaa qalinka lagu duugey bishii May sanadii 2010-kii, waxaa heshiiskaasi fulintiisa loo dhaqaaqay bishii Nifeembar 2012-kii, heshiiska ayaa waxa uu ku saabsanyahay iskaashi military oo labada dal dhexmara, sida tabobar ciidamada kala duwan ee Soomaaliya kuwa cirka, kuwa badda, iyo kuwa dhulkaba, waxaa kale oo heshiiska uu dhigayay in kaalmo military uu Turkiga siiyo Soomaaliya.
  5. Bishii Feberaayo 2014-kii ayaa waxaa labada dal ay markale kala saxiixdeen heshiis military oo dhigaya in Turkiga dalka Soomaaliya gudihiisa uu tabobar ku siiyo ciidamada Soomaaliya
  6. Horaantii sanadkii 2013-kii ayaa waxaa la saxiixey heshiis lagu mataanaynayay magaalada Muqdisho iyo Magaalada Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga, mataaneynta waxa ay la timid mashaariic kala duwan gaar ahaan dhanka nadaafadda, iyada oo dowladda hoosee ee Istanbul ay tan magaalada Muqdisho ugu deeqdey gaadiid qashinka qaada iyo agab kale oo nadaafadeed iyo waliba bilic soo celinta magaalada Muqdisho.
  7. Xiriirka xagga diinta iyo dhaqanka ee labada dal ka dhaxeeya waxa kale oo uu soo jiidey in ay Turkiga dhismo dayactir ah ku sameeyaan labo masaajid oo muhiim ah, masaajidka Cabdicasiis oo kun sano jira oo isagu gabi ahaanba burburey oo hadda dib loo dhisey iyo waliba masaajidka Isbahaysiga oo ah masaajid aad u weyn, muddo dheerna dayacnaa.
  8. Turkiga intaasi kuma uusan ekaanin, waxa uu muddo labo sano ah wadaa wadahadalo u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka, kuwaasi oo soo biloowdey sanadii 2012-kii, islamarkaasina horumar wanaagsan laga gaaray.
  9. Turkiga waxa uu dalkiisa ku martigaliyey Odayaasha dhaqanka Soomaalida sanadii 2012-kii, ururada bulshada rayidka ah, Qurba-joogta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo waliba madaxda Soomaalida oo booqasho aan kala joogsi lahayn had iyo jeer ku taga dalka Turkiga iyaga oo martiqaad ka hela wasaaradaha kala duwan iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi.

FG:- Warbixintaan Waxa aynu Daabacnay Jimco 23-January 2015, hase yeeshee maanta dib ayaan idiin kugu soo celinay

Goobjoog News