U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: “Waxaa nagu waajib ah ilaalinta biyaha Soomaaliya”.

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”33″]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadii shalay uu ka jeediyay xiritaankii kalfadhigii 4-aad ee baarlamaanka ku soo hadal qaaday warqad qoraal ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay oo tilmaameysa xaduudaha biyaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu ballaaran qaarada Afrika, biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed. Waxaana nagu waajib ah Iilaalinta biyaha Soomaaliya. Xuquuqda ummad walabi waxaa lagu ilaashadaa sharuucdeeda iyo sharuucda caalamiga, Soomaaliyana waxay xubin ka tahay dalalka saxiixay heshiiska badaha caalamiga. Isbuucii la soo dhaafay waxay Dowladda Soomaaliyeed diiwaangashatay 350 nautical miles oo ah biyaheenna xaqa aanu u leenahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey. “Intaas haddii aanan sameyn waxaa dayacmi lahaa biyaheena, sidaad ogtihiin in biyaheena wasaq lagu shubo, si sharci darra ah looga kaluumeysto, Waxaa masuul ka ahayd maqnaashaha arrintaas. dukumenti-yada iyo qariidadihii la gudbiyeyna Baarlamaanka ayaa la horkeeni doonaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay warbixintii horu-dhac ahayd ee ay soo saareen kooxda la socodka cuna-qabateynta hubka dalalka Soomaaliya iyo Eretaria.

“ Sidii caadada ahayd qolooyinka monitoring group-ka waxay soo saareen warbixin horu-dhac ah, waxay tilmaameysaa dhaliilo iyo eedeymo Dowladda Soomaaliya waxay ka jawaabtay dhaliilahaas iyo eedaymahaasi oo waxaaan u diranay Qaramada Midoobay. Waxaan rabaa inaan idin sheego in dowladda Soomaaliya iyo dhammaan hey’adaheeda meel cidlo ah ayey ka biliowday labada arrimood oo ay sheegeen oo ah lacagta iyo hubka dowladda”. ayuu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray kaldhigii Afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.