U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab oo maanta Diinsoor ku toogatay gabar ay ku eedeeyeen basaasnimo

Sheeko:War

 

shabaab toogasho
Sawir hore, Al-shabaab oo meel fagaare ah dad isugu keenay.

Xarakadda Al-Shabaab ayaa Maanta meel fagaare ah oo ku taalla Degmada Diinsoor ee gobolka Baay ku toogtay gabar 14-sana jir ah oo ay ku eedeyeen in Dowladda Federaalka basaas u ahayd.

Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay goobta lagu toogtay gabadhan xarakada Al-Shabaab ku eedeysay arrimaha Basaasnimada.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa u jeediyay digniin dadkii isugu soo baxay fagaaraha Degmada Diinsoor in ay ku dhaqaaqaan falal la xiriira ku lug lahaanshaha arrimaha Dowladda Federaalka.

Ka hor inta aan la toogan Gabadhan 14-sano jirka ah waxa ay in mudd ah ku xirnayd saldhiga xarakada Al-Shabaab ay maamulaan oo ku yaalla Degmadaasi. Al-shabaab marar badan fagaarayaal ku toogtay rag iyo dumar ay ku soo oogeen eedeymo la xiriira basaanimo sida degmada Baraawe.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ehellada gabadha la toogtay.