U bood dhigaalka

Puntland, Jabuuti iyo Yemen oo heshiis dhinaca Kalluumaysiga ah kala saxiixday

Sheeko:War

Maamulka Puntland ayaa heshiis la xiriiro iskaashi dhanka Kalluumaysiga la gashay dowladaha Jabuuti iyo Yemen.

Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Xasan Maxamuud ayaa shir ay yeeshen wasiirrada Puntland,waxaa looga dhageystay warbixinno ka hadlaya heshiis-yadda uu la soo galay dowladda Yemen iyo Jabuuti.

Wasiirku waxuu sheegay inuu is-afgarad dhexmaray Puntland iyo dowladaha Jabuuti iyo Yemen,waxaana heshiiskaas lagu xakameyn doonaa kalluumeysiga sharci darada ah.

Dowladda Yemen iyo Jabuuti,waxaa dhankood heshiiska Puntland ay la galeen u saxiixay wasiirradooda Kalluumaysiga.