U bood dhigaalka

10 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Afgooye

Sheeko:War

Toban Qof ayaa ku ku dhimatay dhowr kalana waa ay ku dhawacmeen  iska hor imaad Maanta kooxo isbaaro dhiganayay  ku   dhaxmaray  tuulooyin hoos taga Degmada Afgooye ee Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib  muran dhaxmaray maleeshiyada isbaarada dhiganayay , kaas oo la  xiriira qaadashada  lacagaha isbaarada.

Dagaalka ayaa socday muddo  kooban , wararkuna waxey sheegayaan in markii dambe  uu si iskiisa ah u qaboobay.

Goobta dagaalkan  uu ka dhacay ayaa markii hore waxa  ku sugnaa  Ciidamo ka tirsan  Dowlada gaar ahaan kuwa Militiriga.

Wariyaha Goobjoog FM  Maxamed Cabdi Xasan oo ku sugan Afgooye ayaa soo sheegaya in xaalada hada ay tahay mid degan.

Dagaalkan ayaa ku soo aaday xilli Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa  oo ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka soomaaliya uu sheegay in ammaanka Degmada Afgooye Iyo degaanada hoos yimaada uu faraha ka baxay, ka dib markii ay ku soo  kordheen dilal  iyo weeraro  joogtada ah.