U bood dhigaalka

Golayaasha Ahlu sunna wal-jameeca oo muddo kordhin loo sameeyey

Sheeko:War

Kulamo  Xubnaha Maamulka Ahlu sunna ee goballada dhexe ee Soomaaliya uga soconayay Degmada Dhuusa-Mareeb ayay ka soo saareen  go’aano dhowr ah oo ku saabsan hanaanka shaqo ee Maamulka.

Guddoomiye kuxigeenka kowaad  ee golaha talada Ahlu sunna wal-jamaaca Cabdullaahi Cabdi Maxamed ayaa war baahinta u sheegay in muddo hal sano ah loo kordhiyay golaha fulinta, kan talada iyo guddoomiyaha.

Wuxuu tilmaamay in guddoomiyaha awood loo siiyay inuu xil ka qaadis iyo magacaabis sameyn karo, kadib markii wax laga baddelay dastuurka.

Maamulka wuxuu kaloo soo dhaweeyey  sameynta maamul mideysan oo ay yeeshaan gobolada dhexe ee soomaaliya.