U bood dhigaalka

Booliska maamulka shabeelaha dhexe oo la wareegay xaruntii Radio Jowhar

Sheeko:War

Ciidanka booliska degmada Jowhar oo fulinaayo ammar kasoo baxay gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cabdi Jiinoow ayaa maanta albaabada iskugu dhuftay xaruntii radio jowhar sida uu xaqiijiyey agaasimaha idaacadda.

Agaasimaha Radio Jowhar, Maxamed Abuukar Caseyr ayaa sheegay in ciidanka booliska oo xoog kusoo galay xaruunta ay amar ku siiyeen maamulka iyo shaqaalaha idaacadda in ay ciidanka ku wareejiyaan fureyaasha, isla markaana ay isaga baxaan xarunta iyagoo isla markiiba damiyey.

Wuxuu tilmaamay inay tallaabadaasi muujinayso ku xadgudubka madax banaanida war  bahinta iyo xorriyadul-qowlka, isagoo sheegay in iyadoo aan la gaarin muddo loo qabtay in ay uga guuraan xarunta ay u yimaadeen ciidanka oo sitay warqad ka soo baxday guddoomiyaha gobolka.

Shalay gallinkii dambe ayey aheyd markii Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Cabdi Jiinow Calasow loo geeyay maamulka idaacadda Jowhar, taas oo lagu amrayay in ay idaacadda muddo 24 saac ah uga guurto xarunta ay deggan tahay oo la sheegay in ay leedahay wasaaradda beeraha ee xukuumadda Soomaaliya.