U bood dhigaalka

Askar ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Garoowe

Sheeko:War

Laba askari ayaa ku  dhimatay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Askarta  ku dhaawacmay shilkan ayaa  xilligan lagula tacaalayaa Isbitaalka Magaalada Garoowe.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Magaalada Garoowe waxa ay ku warameen in  dhaawacyada qaar ay yihihii kuwo halis ah.

Ciidankan ayaa ka tirsan madaxtooyadda Puntland waxayna qayb ka yihiin ciidan ka qayb qaadanaya xuska dhalashadda Puntland ee kowda Agoosto sida wararka nagu soo gaarayaana dhicitaanka gaarigan ayaa yimi ka dib xawaare xoogan oo uu ku socday.

Puntland ayaa waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanayay shilalka gawaarida kuwaasoo aan ilaa iyo hada xal looga hortagayo laga soo saarin.