U bood dhigaalka

Masuul ka tirsanaan jiray Xisbul Islaam oo lagu dilay Muqdisho

Sheeko:War

Axmed Laashin oo mar ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam ayaa  Maanta lagu toogtay Degmada Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa Axmed Laashin waxa ay ku  dileen agaagaarka Ceel Tuba wayne, xilli uu ka soo baxay Masjidkii uu ku soo tukaday  ee degmadaasi.

Goobjoogayaal ku sugan  halka uu dilku ka dhacay ayaa  ku waramay in weerarka kadib kooxda ay isaga baxsadeen goobta.

Waxa uu mar  Ururka  Xisbul Islaam  u qaabilsanaa Saldhiga Degmada Yaqshiid ee Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiishii hore ururkaas oo ku saabsan dilka Axmed Laashin.