U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo isku raacay in la yareeyo Safaaradaha Soomaaliya ee dibedda

Sheeko:War
Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya
Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Isku Raacay in dib u habeyn lagu sameeyo Safaaradaha Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leedahay wadamada Caalamka.

Arrintan waxaa soo jeediyay wasiirka arrimaha dibedda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo tilmaamay inay haboontahay in Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada caalamka la yareeyo oo lagu soo koobo 31-safaradood, si wax looga Bedelo sida uu sheegay Qiimo la’aanta Baasaboorka Soomaaliya iyo Awood darri dhaqaale oo Dowladda ka heysata Mushaaraadka Shaqaalaha Safaaradahaasi.

Golaha wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda uu leedahay in dib u habbeyn lagu sameeyo Safaararadaha waddanka ee dalka dibeddiisa ku yaalla kaddib markii ay wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya golaha wasiirrada hor keentay si loo dadajiyo arrintan isla markaana loo soo celiyo Muuqaalkii saxda ahaa ee safaaradaha dalkeenna uu dibedda ku leeyahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Dhiiragelintna Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxaa uu sheegay in Golaha wasiirrada Soomaaliya ay oggollaadeen in safaaradaha Soomaaliya ee dibedda tiradooda lagu soo koobo 31 safaaradood, Diblomaasiyiintana laga dhigo seddex, guud ahaan Shaqaalaha Safaaradaha Soomaaliya ka shaqeyana laga dhigo 93.

Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla wadamada ay ka mid yihiin Germany, Burundi, Malaysia, Tanzania, iyo Ruwanda. Isla markaana Xafiisyo haatan u shaqeeya Safaarad ahaan laga dhigi doono Qunsuliyado, 31 Safaaradood kaliya ayaa laga sooreebi doona.