U bood dhigaalka

Prof. Yaxye: Madaxweynaha waa inuu tix geliyaa soo jeedinta golaha adeega garsoorka

Sheeko:War
Prof. Yaxye Cali Ibraahim
Prof. Yaxye Cali Ibraahim

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in golaha adeega garsoorka dowladda federaalka Soomaaliya ay leeyihiin soo jeedinta xil ka qaadista xeer ilaaliyaha qaranka.

Prof Yaxye Cali Ibraahim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha Jaamacadda S.I.U ayaa waxa uu Goobjoog FM u sheegay in Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inuu tix gelin siiyo  dalabka Guddiga adeega garsaoorka Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadis ay golaha wasiirada 24-kii bishan ku sameeyeen xeer ilaaliyaha qaranka Cabdulqaadir Maxamed Muuse.

Shalay ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga qaaday xilka xeer ilaaliyaha qaranka Cabdulqaadir Maxamed Muuse.

24-kii bishan, waxaa sidoo kale xeer ilaaliyaha qaranka xil ka qaadis ku sameeyay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya kadib shir ay ku yeesheen Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha qaranka Cabdulqaadir Maxamed Muuse ayaa kol hore sharci darro ku tilmaamay ansixin uu baarlamaanka dalka ku sameeyay  xeer uu u soo gudbiyay wasiirka garsoorka xukuumadda Faarax Cabdulqaadir.