U bood dhigaalka

Xaaladda deegaanka Nambar 50 oo saaka degan

Sheeko:War

Waxaa saaka degan xaaladda deegaanka Nambar 50 oo shalay ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad ku wada sugan degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay mar kale ku dagaalamay deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaasi.

Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay lagu soo waramayaa inay ka joogsadeen wadadaasi, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalku dib u soo laabto.

Dagaalladii shalay labada maleeshiyo beeleed ku dhex mara deegaanada Nambar 50, Ceel-wareegow iyo Buushka ayaa sababa dhimashada dad ka badan 10 ruux.