U bood dhigaalka

Diyaar garowga Ciidda oo si weyn looga dareemayo Muqdisho(Sawirro)

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”39″]

Waxaa Mashuul Xoogan laga dareemayaa goobaha lagu iibiyo Macmacaanka ee ku yaalla gudaha Magaalada Muqdisho Xilli ay fooda nagu soo heyso Maalinta Ciidul Fidriga.

Dadka ayaa ku howlan sidii ay u soo dhweyn lahaayeen maalinta weyn e Ciida, iyagoo ahmiyad gaar ah siinayo waxyaabaha aadka loo cuno maalmahaas sida Xalwada, Buskudka iyo doolshada.

Qaar ka tirsan dadka iyagu ka ganacsada macmacaanka oo u waramay  wariye Xasan Kaafi Xaaji ayaa sheegay inuu aad u socdo dhaqdhaqaaqa ganacsiga xalwada.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay noqoto maalinta koowaad ee ciidul idiga, oo ay muslimiinta ku nool daafaha dunida u dabaal dagaan farxadeeda.

Dhanka kale, goobaha is qurxinta dumarka ee Muqdisho ayaa lagu arkaya Haween diyaar garow ugu jira dabaal daga iyo damaashaadka Maalinta Ciida,

Goobaha lagu qurxiyo dumarka ee ku yaalla Muqdisho ayaa lagu arkayaa dumarka, iyaga oo koox koox u socda isla markaasina ku tartamaya Isqurxinta ito Naqshadaha kala duwan ee Cilaanka iyo waxyaabo kale xilli loo diyaar garoobayo damaashaadka iyo dabaaldaga Ciidil fidriga.