U bood dhigaalka

Wasaaradda amniga oo ka hadashay hub ay ka soo qabteen degmada Hodan

Sheeko:War
Afhayenka Wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf
Afhayeenka Wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hub ay sheegeen in lagu soo qabtay howl-gal laga sameeyay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Arrintaan ayaa ka dambeysay Markii ay Ciidamada Dowladda hareereeyeen Xaafadda Seeybiyaano iyo Isgoyska Banaadir ee degmada Hodon, halkaasi oo Ciidamadu ugu suura gashay inay Hubkaan soo qabtaan.

Sidoo kale, Afhayeenku waxa uu sheegay in ay haweeneey ku soo war gelisay hubkaan in Garaash lagu hayo oo ay abaal marin guddoonsiiyeen.

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in cidii u soo gudbisa xog ku saabsan waxyaabaha qalqal galin kara amniga dalka ay abaal marineyso.

Maalinimadii jimcaha ee la soo dhaafay ayay ahayd markii ay wasaaraddu sheegtay in qof uu u soo sheegay in babuur uu lahaa mid kamid ah wariyaasha dowladda lagu xiray walxaha qarxa, kadibna ay ka hor tageen khasaare nafee oo ka dhasha.