U bood dhigaalka

Nicholas Kay oo shacabka soomaaliyeed ugu bogaadiyay Ciidda soon-furka

Sheeko:War
U qaabilsanaha QM ee Soomaaliya, Necolas Kay
U qaabilsanaha QM ee Soomaaliya, Necolas Kay

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa salaan iyo bogaadin kal iyo laab ah u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo maanta u dabbaaldegaya Ciidda Soonfurka ama Ciidul Fitriga.

“Iyadoo ay Soomaaliya u dabbaal degayso Ciidda Soonfurka, waxaan dhammaan Soomaalida iyo qoysaskooda u rajeynayaa Ciid Wanaagsan/Ciid Mubaarak. Maanta waa maalin loo dabbaal dego dhammaadka soonka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo in la xusuusto dadka danyarta ah ee aan sideena oo kale aan u nasiib badnayn. Waxaan rajeynayaa in dareenkan dibuheshiisiin iyo iswaafaqsanaan ee ciiddan uu ka qayb qaadan doono nabad ka dhalata Soomaaliya oo idil. Ciid Wanaagsan!”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan u rajeeyay ciid wanaagsan iyo inay ciiddan teeda kale ku gaaraan nabadgalyo iyo barwaaqo.