U bood dhigaalka

Lydia Wanyoto oo dadka soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda ciiddul fidriga

Sheeko:War

Siihayaha xilka ergayga ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo AMISOM, Lydia Wanyoto Mutende ayaa manta u dirtay dadka somaaliyeed hambalyo ku aaddan ciiddul fidriga oo manta si weyn looga dabaal-dagay Soomaaliya.

Lydia Wanyoto ayaa shacabka Soomaaliyeed, u rajeysay inay ciiddan teeda kale ku gaaraan nabad iyo baraare, waxayna ku baaqday in laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka.

“Muslimiinnta caalamka oo dhan waxaan ugu hambalyeynayaa maalintaan weyn ee ciidda. Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Somalia oo ku guuleystay inay soo dhameystaan maalmihii soonka,” ayay tiri Lydia Wanyoto.

Ugu dambeyn, Lydia Wanyoto ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed u rajeynayso inay si nabad ah maanta ku ciidaan.

Midowga Afrika ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 22,000 oo askari oo ka taageeraya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, kuwaas oo ka socda waddamada; Uganda, Kenya, Burundi, Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Sierra Leone.