U bood dhigaalka

Qaar ka tirsan gobollada dalka oo maanta laga ciiday

Sheeko:War

Ahlu-sunna

Waxa ay maanta u tahay malintii koowaad ee ciida dadka ku dhaqan qaar ka mid ah Gobollada Dhexe ee dalka, halkaas oo ay ka taliyaan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ururka Ahlu Sunna waljamaaca ayaa shalay diiday in ay tahay ciid, sidaas darteed maanta ayay u aheyd maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana salaada lagu tukaday deegaano ay ka mid yihiin Guriceel ,Dhuusa Mareeb ,Caabud waaq ,Ceelbuur iyo qaar ka mid ah deegaano ka tirsan Mudug.

Dadka qaar ayaa shalay guryahooda ku tukaday, kuwaas oo shalay si hoose u ciiiday halka kuwa kale maanta ay si rasmi ah daamaashaadka ciida looga dareemayo gobollada Dhexe ee Soomaaliya