U bood dhigaalka

Wasiirka Diinta Iyo Owqaafta Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Hambalyada Ciida

Sheeko:War
Wasiirka diinta iyo owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed
Wasiirka diinta iyo owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xersi Maxamed oo ku sugan magaalada Makah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dadka Soomaaliyeed iyo umadaha Muslimiinta ah ugu hambaleeyay maalinta farxada ah ee ciidul fidriga.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed leeyahay hambalyo ciidaan ciideeda bash bash iyo barwaaqo allaha nagu gaarsiiyo, waxaana eebe aan ka baryayaa in uu naga aqbalo cibaadada bisha soon ee aan soo soonay” ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Owqaafta.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka oo warbaahinta ku hadasha afka dowladda kula hadlay magaalada Makah ayaa waxa uu muujiyay sida uu ugu xunyahay dhibaatada Yuhuuda ay ku heyso shacabka muslimiinta ah ee Falastiin, wuxuuna ku baaqay in wax laga qabto arrinkaasi, isagoo Alle uga baryay in uu dhibaatada ka dul qaado.

Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xersi Maxamed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo halkaasi kulamo kale duwan kula qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.