U bood dhigaalka

Muqdisho: Laamaha ammaanka oo qabtay gaari lagu xiray walxaha qarxa

Sheeko:War

War goor dhow soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Muqdishoay goor dhow fashiliyeen gaari lagu xiray walxaha qarxa, xilli uu yaalay Xeebta loo dalxiiska tago Liido ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Gaarigaan uu lahaa nin ka tirsanaa dadkii maanta u soo damaashaadka tagey Xeebta Liido ee Degmada Cabdi casiis, iyadoo ay fashiliyeen dad rayid ah, markii ay ku war geliyeen laamaha ammaanka.

Maxamed Yuusuf Cismaan, Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka oo Saxaafada kula hadlay Xeebta Liido ayaa waxa uu shacabka kaga mahad celiyay ku soo wargelinta laamaha ammaanka ee gaarigaan, oo uu noociisu yahay NOHA.

Waxa uu sidoo kale sheegay afhayeenka in Ciidanka dhar cadka ee ka hawl gala Xeebta Liido iyo dadkii soo sheegayba, inay iska wada kaashadeen fashilinta walxaha qarxa ee lagu xiray gaariga, xilli la doonaayay in lagu dhibaateeyo ninkii lahaa.

Wasaaradda amniga ayaa kol hore sheegtay in ay ka war heshay qarax lagu xiray gaari uu lahaa wariye ka tirsan warbaahinta dowladda dhamaadkii bishii Ramadaan.
Muddooyinkaan dambe waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanaayay gaadiidka lagu xirayo walxaha qarxa, ee waxyeelada loogu geysanaayo shakhsiyaadka iska leh.