U bood dhigaalka

Maamul lagu mideynayo gobollada dhexe ee dalka oo la sameeyay

Sheeko:War
Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisal wasaare Cabdi weli
Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal wasaare Cabdi weli

War goor dhow naga soo gaaray madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya iyo wufuud ka socda maamullada gobollada dhexe ee dalka ay saxiixeen maamul ay ku mideysanyihiin gobollada dhexe.

Xarunta Villa Soomaaliya waxaa maanta ku sugnaa wufuud ka kala socotay qaramada midoobey, midowga Yurub, midowga Afrika, maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu sunnah waljamaaca.

Kulankan waxaa goob jog ka ahaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cabdiweli Sheekh,Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya Necolas Kay, guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cali Cirfo, Cadi Xasan Cawaale Qeyb diid oo matalayay Galmudug iyo Sheekh Ibraahin Xasan Guureeye oo ka socday Ahlu sunnah wal jamaaca.

Maamulkan lagu mideynayo gobollada dhexe ayaa ka koobnaan doona gobollada Galgaduud iyo koofurta magaalada Gaalkacyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sameysay maamulka koofur galbeed oo ka kooban gobollada Shabeellaha hoose, Baay iyo Bakool.