U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka howl gallo ka wada suuqa Bakaaraha

Sheeko:War
Ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano Gaashaan ee dowladda federaalka Soomaaliya
Ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano Gaashaan ee dowladda federaalka Soomaaliya

Waxaa saakay xiran Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta daawada halkaasi oo baaritaan ay ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ay helayso Goobjoog FM ayaa sheegaya in wadada 30-ka iyo nawaaxigeeda uu howl galka ka soconayo ay xirantahay halkaasi oo ciidamadu ay baaritaan ka wadaan.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka qeyb qaadanaya howl galka saaka lagula jarmaaday wadooyinka gala suuqa weyn ee Bakaaraha.

Wadooyinka waaweyn ee gala suuqa ayaa gebi ahaan xiran sida isgoyska Bakaaraha, Howl wadaag iyo isgoyska Baar ubax.

Howlgalladan ayaa saaka ku soo beegmay xilli shalay lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha sarkaal ka tirsan nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya, dilka kadib ayay ciidanka dowladdu isla suuqa ku toogteen labo qof oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka sarkaalka.

Wixii war ah oo ku soo kordha howlgalkan kala soco Goobjoog FM.