U bood dhigaalka

Dhaqtar ka digay in cudurka Ebola uu ka dilaaco Soomaaliya

Sheeko:War

Dhaqtar Soomaali ah ayaa ka digay Qatarta Cudurka Ebola in si sahlan uu ugu fidi karo Soomaaliya.

Dr Cisman Faytaan oo ka mid ah madaxda qaybta caafimaadka ee jaamacadda SIU ee ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in cudurkan looga hortagi karo oo kaliya iyadoo la xadido duulimaadyada dibadda uga imaada Soomaaliya.

Cudurka Ebolla ayaa ka dilaacay dalal ay ka mid yihiin Niger, Siiraaliyoon iyo Liberia.

Hadalka Dhaqtarka ayaa ku soo beegmaya xilli Gudaha dalka ay ku sugan yihiin ciidamo ka yimid dalka Siiraaliyoon kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Soomaaliya ayaa ah dal aan lahayn cudud uu ku xakameyn karo cudurada halista ah ee isaga goosha qaaradaha.