U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Dardar gelinta Dimuqraadiyeynta Soomaaliya

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”45″]

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad

ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa khudbad ka jeediyey shir

looga hadlayey dardar gelinta Dimuqraadiyeynta Soomaaliyao ayadoo

shirkanna ay ka qeybgaleen ergo ka badan 400 oo ruux.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Trondheim ee dalka Norway ayaa waxaa sidoo

kale ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyey Ra’isulwasaarihii hore

ee Norway Mr Bendevic  oo isagu khudbaddiisa uga hadlay doorka ay Dowladda

Norway ku laheyd hirgelinta hanaanka Dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo

taageerrada ay ku doonayaan in lagu dardar geliyo Dimuqraadiyadaas isaga

oo si gaar ah u xusay iney Soomaaliya ka taageerayaan arimaha Axzaabta

siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh

Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa faah faahin ka bixiyey

xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan shaqooyinkii uu qabtay Golaha

Shacabka Soomaaliya mudada Labada sano ah ee uu jiro, daruufaha adag ee

lagu shaqeynayo iyo halka la hiigsanayo oo ah in dalkan la gaarsiiyo

sanadka 2016ka doorasho xor ah taasi oo uu xusay iney ka go’antahay

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka ayaa kulan la qaatay

haweeneyda ah Gudoomiyaha magaalada Trondheim Rita Ottervik  oo uu kala

hadlay xaalada ay guud ahaanba muslimiinta ku nool magaalada Trondheim, si

gaar ahna Soomaalida magaaladaasi ku dhaqan.

 

—DHAMAAD—