U bood dhigaalka

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Sheeko:War

madeerXildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw Kooxo Hubeesan ay ku dileen Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Wararka waxaa ay sheegayaan in dableydu ay  rasaas xoogan huwiyeen Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo kamid ahaa Xilhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuna geeriyyoday isla goobtii.

Sida ay xaqiijiyeen ehelada marxuumka , Xildhibaanka ayaa la toogtay xili uu kasoo baxay Salaada Jimcaha , waxaana dilka fuliyay sida Wararka hordhaca lagu helayo kooxo gaari watay oo goobta ka baxsaday.