U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer

Sheeko:War

Warsaxaafadeed

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Gudoomiyaha Guddiga Maalliyadda ,Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo kooxo dhagarqabeyaal ah ay dil ugu geysteen magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Allaha u naxariistee walaalkeen Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer,si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeeynayaa carruurtiisa,qoyskiisa iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed”

“Sheekh Aadan Madeer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle saaray, isaga oo kasoo baxay salaadii Jimcaha masjid uu kusoo tukaday,waxaa dishay gacan ka xaq daran,kuwii dilay ayagaa dhib qaba aduun iyo aakhiraba,cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay,Alle ayaa mudankooda marsiin doona insha Allah, Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah iney cadaalladda hor keenaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi foosha xun”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey marxuum Sheekh Aadan Madeer inuu naxariistiisa jano siiyo,carruurtiisa,qoyskiisa,ehellada iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

 

DHAMAAD