U bood dhigaalka

Wada hadallo nabadeed oo maanta ka furmaya Cabuudwaaq

Sheeko:War
caabudwaaq
Degmada Cabuudwaaq

Maanta ayaa lagu wadaa in maanta degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud uu ka furmo kulan lagu dhameystirayo wada hadallo lagu doonayo in lagu soo af meero xiisado gacan ka hadal oo   dhawaan ka dhacay degmadaasi.

Guddi isugu jira odayaal dhaqameed iyo xildhibaano ayaa ku sugan degmdaasi, kuwaas oo ka qayb qaadan doodanaya dadaallada dib u heshiisiinta.

Guddigaas waxaa hogaaminaya Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo sheegay in shirkan uu noqon doona  mid soo af meera xiisadaha ka jiray degmadaasi.

Masuuliyiin isugu jirta xildhibaano, maamulka gobolka Galgaduud, Ahlu sunnah iyo nabadoono ayaa ku baxay xiisada dhowaan ka kacday degmada Caabudwaaq.

Xiisadahan ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10 ruux.