U bood dhigaalka

Madaxweyne Obama oo casho sharaf u sameeyay dhigiisa Soomaaliya

Sheeko:War
Bidix, Madaxweyne OObama. Madaxweyne Xasan Sheekh, Qamar (Marwada koowaad ee Madaxweyne Xasan) iyo Marwada Obama Michel Obama
Bidix, Madaxweyne Barack Obama, Madaxweyne Xasan Sheekh, Marwo Qamar (Marwada koowaad ee Madaxweyne Xasan) iyo Marwada Obama Michel Obama

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaaa aqalka cad ee Mareykanka ee magaalada Washington casho sharaf ugu sameeyay madaxda ka qeyb galeysa shirka Afrika iyo Mareykanka oo lagu wado in maanta oo arbaco ah lasoo gabagabeeyo.

Madaxweynayaasha  Soomaaliya iyo  Jabuuti ayaa ka mid ahaa 47 hoggaamiye Afrikaan ah oo uu Obama u sameeyay casho sharafta.

Madaxda Afrika waxaa guriga looga taliyo Marekanka ku soo dhaweeyey madaxweyne Brack Obama,waxuuna sheegay in in ka badan laba qarni aqalka cad ee Mareykanka lagu soo dhaweeyay madax ka socotay caalamka, balse ay tahay markii ugu horreysay taariikhda oo madax intan la eg ay ku kulmaan, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid taariikhi ah oo sharaf u ah maamulkiisa.

Brack Obama oo khudbadiisa ay madaxda Afrika dhageysanayeen waxuu ku soo qaaday in Mareykanka uu ahaa mid xilli walba Afrika ku booriya sidii ay hurumar u gaari lahaayeen dadka qaaradda ku nool,isagoona intaa raaciyey inay ku dhiirra gelin jireen sidii beeraleyda ay u kordhin lahaayeen wax soo saarkooda, shaqaalaha caafimaadka ay nolol badan ugu badbaadin lahaayeen cudur sidaha cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, gaarsoorku uu u hormarin lahaa caddaaladda iyo sharciga, haweenka geesiyaasha ah ay u istaagi lahaayeen xaqooda, ganacsatadana ay u sameyn lahaayeen shaqo abuur iyo sidii ciidamada nabad ilaalinta Afrika ay naftooda u huri lahaayeen badbaadinta dadka rayidka ah.

Madaxweynaha Marekanka ugu danbeyn waxaa uu sheegay inuu ku baaqayo dhammaan Afrikaanka inay isku yimaadaan oo ay kawada shaqeeyaan Afrikada cusub oo ah mid ku dhisan nabad, barwaaqo iyo caddaalad , taasoo uu ku sheegay inay u qalmaan inay helaan dadka Afrikaanka ah.

Maraykanka ayaa tartan adag kala kulmaya China oo horey Afrika uga hirgalisay maal-gashiyo ballaaran,waxaana labada dhinac ay ku hardami doonaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida madaxda Afrika.

Mareykanka ayaa dadaal dheer ugu jira sidii uu u kasban lahaa qaaradda Afrika.