U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo gubay raashin iyo daawooyin dhacay

Sheeko:Caafimaadka
Qaar ka tirsan daawooyinkii uu gubay maamulka gobolka Banaadir
Qaar ka tirsan daawooyinkii uu gubay maamulka gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka banaadir ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gubay raashin iyo Daawooyin la sheegay inay dhaceen.

Guddoomiyaha maamulka degmada kaaraan  Axmed Xasan  Yalaxow ayaa sheegay in Agaasinka dhinaca Caafimaadka ee Maamulka Gobolka ka hortageen dawooyinka dhacay iyo raashinka lagu hayo xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda caafimadka  gobolka Banaadir  Cabdullaahi Xasan  Maxamed ayaa sheegay iney gubeen Biskut iyo Dawo dhacday oo ay soo qabteen iyadoo si sharci darro ah looga ganacsanayay, isagoo dhinaca kalana  sheegay in  aan la ogolaan doonin  ka ganacsiga iyo keenista raashiinka iyo waxyaabaha kale ee dhacay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka ay ka jirto hay’ad qaabilsan ilaalinta tayada iyo faya dhowrka waxyaabaha ka soo dega dekedda Muqdisho.