U bood dhigaalka

370 qof ayaa lagu dilay Kenya tan iyo markii ciidankooda soo galeen Soomaaliya

Sheeko:War
westgate_2685878b
Xaunta ganacsiga Westgate oo ololeysa, Speptember 2013

Inta la xaqiijiyay 370 ruux  ayaa ku dhimatay,1075 qofna way ku dhaawacmeen gudaha dalka Kenya tan iyo bishii October ee sanadkii 2011 markii ay weeraro Al-Shabaab ka geysteen gudaha dalkaasi Kenya.

Wargayska  The Standard ee ka soo baxa  Kenya ayaa  ku sheegay warbixin uu daabacay  in hal qof dalka Kenya lagu dilayay sadexdii cishaba mar, taas oo ay geysanayeen kooxo ay ugu yeereen argagixiso.

Dilalkan ayaa  Kenya ka dhacayay tan iyo markii uu dalkaasi ku dhaqaaqay waxa ay ku magacaabeen howlgalka dalkaada Badbaadi (Operation Linda Nchi),kaasoo bishii  October 2011-kii Kenya ku soo fara gelisay Soomaaliya.

Weerarada Al-Shabab ku faanaan inay  Kenya ku qaadeen ayaa  waxa ka mid ah weerarkii  Septembertii la soo dhaafay   ka fuliyeen  suuqa Westgate ee Nairobi ku yaala iyo weerarkii kale ee laga fuliyay  Lamu  dhowaan.

Labadaas weerar dadka ku naf waayay waxay tiro  ahaan  ka badan yihiin 100 ruux , iyadoo ay in kale oo intaa ka badana  ku dhaawacmeen.

KHubaro amaan oo uu la xariiray wargayska The Standard ayaa qiray  in Al-Shabab ay si wayn u dhibaateeyeen dadka reer Kenya  tan iyo markii ay is qoomeen.

Hay’adaha amaanka   Kenya  ayaa diiday  inay wax war ah ka yiraahdaan warbixintaan ku soo baxday wargayska The Standard.

Warbixinta ayaa waxa ay sheegaysaa in saddexdaas sanno ay Al-Shabaab Kenya ku soo qaadeen 100 weerar, kuwaas oo dhammaantood  ujeedooda ay ku guulaysteen, waxaana ugu danbeeyay weerarkii dhacay bishaan  August 4teedii.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday magaalada Mandheera, kaas oo dhacay sannad kadib weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate oo ay ku dhinteen ku dhowaad 68-ruux oo halkaas joogay, waxaana ku dhaawacmay 175 qofood.