U bood dhigaalka

Wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka federaalka oo La dhaariyay

Sheeko:War

 

Munaasabad ay ka qeyb galeen Guddomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ku xigeenka ra’isul wasaaraha ahna Wasiirka  Diinta iyo Owqaafta Ee xukuumadda Soomaaliya  iyo xubno kale ayaa lagu Dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliyeed Cali Maxamed Maxamuud oo dhawaan loo Magacaabay Xilkaasi.

Wasiirka cusub oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka maanta loo dhaariyay isgoona xusay in uu dar dargalin doono howlaha wasaaradda.

Mudane Ridwaan xirsi Maxamed Ra’isul Wasaare Ku xigeenka ahna  Wasiirka Diinta iyo owqaafta oo munasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirda ay soo dhaweynayaan magacaabista Wasiirka cusub ee cafimaadka.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya  Mudane Maxamed sheekh Cismaan jawaari oo ugu danbeyntii munaasabadda ka hadlay ayaa Wasiirka cusub ee caafimaadka kula dardaarmay in dadaal badan uu bixiyo isla markaana uu hufan u guto howsha loo igmaday.

Mudane Cali Maxamed maxamud ayaa uu dhawaan raiisul wasaare Cabdiweli u magacaabay Wasiirka Wasaaradda caafimaadka isagoo bedelay General Axmed Maxamed Maxamuud.