U bood dhigaalka

Laamaha ammaanka oo dalbaday in lagu wareejiyo hubka sharci darrada

Sheeko:War
Qaasim Axmed Rooble
Qaasim Axmed Rooble

Hay’adaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dowladda lagu wareejiyo hubka aan sharciga ahayn ee lagu heysto magaalada Muqdisho.

Afhayeenka hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka magaalada Muqdisho.

Talaabadaasi ayaa waxa uu sheegay inay tahay mida ugu horeyso ee uu waajibaadku ka saaran yahay ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo shacabka Muqdisho ku nool ka codasaday in cidii hub aan sharci ahayn haysata ay ku wareejiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in iyaga ay ka warhayaan dhinac kasta oo hub ku heysta gudaha magaalada isla markaana aysan dooneyn in ay iska weeraraan, balse hadda ay ku war galinayaan in hubka ay soo wareejiyaan si shuruud la’aan ah.

Dhanka kale, Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho hadda uu soo hagaagayo, ayna sii wadi doonaan howlgalada ay ammaanka ku sugayaan.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka socday howlgal ballaaran, kaas oo hubka dadka looga dhigayo isla markaana dad badan guryahooda lagu weeraray si hubka looga soo wareejiyo.