U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo dad ku soo qabtay howl-gallo ay ka fuliyeen suuqa Bakaaraha

Sheeko:War

Ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howl gallo ka fuliyay gudaha suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag.

Askarta ayaa isku fidisay wadooyinka waawayn ee gala suuqa Bakaaraha kadibna gudaha ugu ruqaansaday, howlgal socday daqiiqado ayay ku soo qabteen dad gaaraya 45 qof oo ku sugnaa agagaarka goobihii ay howlgalka ka sameeyeen.

Wariye ka tirsan Goobjoog FM oo ku sugnaa suuqa xilliga howlgalka socday ayaa sheegay in ciidamadu ay qabqabanayeen dad u badnaa dhalinyaro.

Guuddoomiyaha degmada Howl-wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo warbaahinta la hadlay howlgalka kadib ayaa sheegay in dadkii lagu qabtay baaritaanada loo gudbiyay xarumaha dambi baarista si buu yiri loo kala saaro wixii dambi galay iyo kuwa aan wax galabsan.

Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa tilmaamay in howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka suuq Bakaaraha iyo degmada uu guddoomiyaha ka yahay ee Howl-wadaag.

Guuddoomiyaha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in mid ka mid ah dadkii la qabtay uu sitay bastoolad, isla markaana si gooni ah loo baarayo kiiskiisa.

Ciidamada nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay howl-gallo ka waday gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku bartilmaameydsanayeen goobo ay ku tuhunsanyihiin in ay yaallaan hub sharci darro ah.

Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqa Bakaaraha ayaa dib u soo  laabtay markii uu soo gabagaboobay howlgalka.