U bood dhigaalka

RW Cabdiweli oo kulan gaar ah la yeeshay agaasimayaasha warbaahinta madaxa banaan

Sheeko:War
RW Cabdiweli oo ka hadlaya kulanka, xuquuqda sawirka: Radiomuqdisho.net
RW Cabdiweli oo ka hadlaya kulanka,/ xuquuqda sawirka: radiomuqdisho.net

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa habeenimadii xalay ahayd kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka warfaafinta iyo Wasiirka Beeraha, iyadoo lagu casuumay agaasimayaasha warbaahinta gudaha dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen dowladda iyo qeybaha warbaahinta.

Ra’iisul wasaare mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlayay kulanka uu la qaatay wakiillada warbaahinta madaxa bannaan ee Muqdisho, waxa uu sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’an tahay wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi buuxa in ay la yeelato warbaahinta ka howlgasha dalka. 

Wuxuu ballan qaaday inaan lagu xadgudbi doonin xorriyadda saxaafadda madaxa bannaan, lana ixtiraami doono madax-bannaanida warbaahinta. 

Dhamaadka kulanka kadib ayaa waxaa shir kooban u qabtay warbaahinta wasiirka wasaarada warfaafinta Soomaliya Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo yiri “kulankan xukuumada waxa ay ka doooneysaa in ay ku ogaadaan fikirka warbaahinta iyo culeesyada jira, isla markaana warbaahinta iyo xukuumadda ay u wada shaqeyn lahaayeen.