U bood dhigaalka

Daraasad: Afgaanistaan oo noqotay dalka khatarta ugu ba’an ay kula kulmaan shaqaalaha sama-falka Caalamiga ah

Sheeko:Caalamka

Daraasad cusub oo ay baahisay xaruunta baarista ee Human otakamiz ee ka shaqeysa arimaha la xiriira gurmadka bini’aadanimo ayaa sheegaysa in cel-celis ahaan dilka iyo afduubka loo geesto shaqaalaha sama-falka uu gaaray meeshii ugu sareysay abid. War bixinta oo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee gurmadka bini’aadanimada ayaa lagu sheegay in sanadkii 2013kii ay uga dhigneeyd sanadkii ugu xumaa shaqaalaha gurmadka aadanimo.

Iyadoo ay geeriyoodeen shaqaale kor u dhaafaya 150 kuwaas oo ku howlanaa arimaha sama-falka , halka 79 kalena ay geeriyoodeen tan iyo bilowgii sannadkan 2014. Daraasadda ayaa muujineeysa in dalka Afganistan uu yahay dalka khatarta ugu badan ay kala kulmaan shaqaalaha gurmadka Caalamiga ah, waxaana ku geeriyooday kala bar tirada guud ee shaqaalaha daafaha caalamka ku naf waayey sannadii 2013-ka.

Dalalka Suuriya, Suudaan , Pakistan iyo koonfurta Sudan ayaa iyaguna galay liiska dowladaha qatarta ugu badan ay kala kulmaan shaqaalaha gurmadka bini’aadanimo. Daraasadda waxaa ay muujineeysaa in 2013-kii dhaawac loo geeystay 171 shaqaale, kuwaa oo dhaawacoodu uu ahaa mid khatar ah, halka la qafaashay 134 kale ,taas oo ka dhigan in ay 66% korortay dhibaatadii ay la shaqaalaha kulmeen sanadkii 2012kii.

xad gudubyadaan gaaray halkii ugu sareeysay ee shaqaalaha bini’aadanimada soo wajahay, ayaa waxaa sabab looga dhigay loolanka dhiigga badan uu ku daatay ee ka dhacay dalalka ay kamidka yihiin Suuriya iyo Koonfurta Suudaan.

Maalinta caalamiga ah ee gurmadka bini aadanimada ayaa ku beegan 11 sanno ka dib maalintii la weeraray xaruunta QM ay ku lahayd magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 21 shaqaale ka tirsanaa QM .