U bood dhigaalka

Shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Sheeko:War
RW Cabdiweli oo ka qeyb galaya shir hore uga dhacay Addis Ababa
RW Cabdiweli oo ka qeyb galaya shir hore uga dhacay Addis Ababa

Waxaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu ka furmo shir ujeedkiisu uu yahay ka hadlida qaxootiga ko nool gobolka gaar ahaan kuwa soomaalida ee ku nool dalalka marti galiyay ee dariska la ah.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR, waxaana ka qayb galaya dalal ay ka mid yihiin Yeman, Jabuuti, Ethiopia,Kenya, Ugandha iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo bandhigaysa shirkan sida wararka ay leeyihiin ka go’naanta in dib loo soo celiyo qaxootiga kumanaanka gaaraya ee ku nool dalka Kenya.

Shirkan waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wasiiro kale oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku fahmi waaye sidii dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ka diiwaan gashan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee ku nool dalkeeda.

Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii shir saddex geesood ahaa uu Nairobi ku dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR kaas oo ay ku wada saxiixdeen heshiis qodobadii ka soo baxay ay ugu muhiimsanayd in si qasab ah aan dib loogu celin qaxootiga soomaalida.

Dowladaha shirkan ka qeyb galaya ee kala ah Yeman, Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa marti galiyay kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah tan iyo markii ay burburtay dowladdi dhexe ee Soomaaliya 23 sano ka hor.

Ethiopia ayaa noqotay dowladda marti galisa qaxootiga ugu badan Afrika kadib markii hay’adda UNHCR ay sheegtay in dalkeeda ay ku nool yihiin in kabadan 600,000 qaxooti gaaraya, halka Kenya oo hore u ahayd dalka ugu badan qaxooti soo dhoweeya ay dalkeeda ku dhaqan yihiin tiro kor u dhaafaysa 570,000 oo qaxooti.

Soomaalida ka diiwaan gashan  hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee dalka Ethiopia ayaa gaaraya 245,000 ruux sida ay ku sheegtay UNHCR warbixin ay soo saartay.

Dagaaladaii u dambeeyay ee ka dhacay dalka ku cusub dunida ee Koofur Suudaan ayaa kor u qaaday tirada qaxootiga ku bara kacay bariga Afrika.

W/D: Cismaan Cabdullaahi Jaamac