U bood dhigaalka

Saddex qof oo xalay lagu dilay degmada Warta-nabadda ee Muqdisho

Sheeko:War

Wararka saaka laga helayo degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu toogtay saddex qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilkan ayaa dhacay xilli dadkaasi   dubnad ay ku ciyaarayeen meel u dhaxeysa degmooyinka Warta-nabada iyo Boondheere ee Muqdisho.

Sababaha beegsiga dadkan ayaa la sheegay in ay ahayd iyada oo goobta uu fadhiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qof diiday in magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado warbaahinta ayaa u sheegay Goobjoog FM in goobta ay wax ka dhaceen isla xalay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda.

Warar kale ayaa sheegaya in dadkan ay ku geeriyoodeen rasaas la furay kadib dil koox hubeysan ay u geesteen qof ay bartilmaameydsanayeen.

Ma jirto cid ay u qabteen ciidanka dilka xalay ka dhacay Warta-nabadda.