U bood dhigaalka

Wafdi ka socda dalalka Turkiga iyo Imaaraadka oo maanta gaaray Kismaayo

Sheeko:War
Garoonka diyaaradaha Kismaayo
Garoonka diyaaradaha Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG Jubba waxaa gaaray maanta wafdi ka kala socda qaar ka tirsan dalalka Carabta iyo Turkiga.

Wafuuda ayaa markii magaalada Kismaayo ay gaareen waxa ay bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan madaxda maamulkaasi oo uu ka mid yahay hogaamiye Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wararka ayaa tilmaamaya in shirka maamulka la leeyahay wufuuda uu ka socdo gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada. Lama oga ujeedada wafdiga maanta gaaray Kismaayo.

Bandow ayaa lagu soo rogay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka gala gudaha magaalada.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka Kismaayo, iyada oo wadooyinka magaaladaasi la dhigay ciidamamo ka tirsan maamulkaasi.

Wafuuda maanta gaartay Kismaayo ayaa ka kala yimid dalalka isku tagga Imaaraadka Carabta iyo Turkiga waxaana ka mid ah shirkado ganacsi iyo masuuliyiin ka socta Turkiga.

Kismaayo ayaa maalmahan marti galineysay wafuud caalami ah oo soo gaarayay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka KMG Jubba.