U bood dhigaalka

Shirkii arimaha qaxootiga ee Addis-ababa oo soo gebagaboobay

Sheeko:War

Addis-ababa 2Shir hal maalin socday oo looga hadlayey arimaha qaxootiga ku nool dalalka bariga Afrika  ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu soo geba gabeeyey magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Kulanka waxaa soo qaban qaabisay hay’adda UNHCR ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga, waxaana ka qayb galay madax ka kala socotay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Yugaandha, Yemen, UNHCR iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa ka qayb galay shirka, halkaas oo uu ra’iisal wasaaruhu hadal ka jeediyey , isaguu u  mahad celinaya  wadammada dariska la ah Soomaaliya iyo Qaramada Midoobayba marti gelinta iyo daryeelka in ka badan 1 milyan oo qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

“Waxaan ugu horayn halkaan ugu mahadcelinayaa wadamada magan gelyada iyo soo dhowaynta u sameeyey qaxootiga Soomaaliyeed. Qaxootigaas badankiisu waa dadka ugu jilicsan bulshada, waxayna u baahan yihiin waxyaalo badan, balse waxaa adag in ay helaan baahiyahooda oo dhamaystiran. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Hay’adaha qaybta weyn ka qaata wax u qabashada qaxootiga, sida UNHCR, IOM, iyo Hay’adaha kale ee UN” ayuu yiri sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Cabdiweli.

Madaxda iyo hay’adaha ka qayb galay shirka ayaa aqbalay codsi uu Ra’iisal wasaare Cabdiweli uu uga codsaday in wadamadu ay sii wadaan marti galinta iyo ilaalinta xuquuqda qaxootiga Soomaalida ah iyo in dowladda Soomaaliya gacan lagu siiyo hirgalinta siyaasaddeeda soo celinta qaxootigeeda.