U bood dhigaalka

Madaxwayne Gaas oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray Cabdi Qeyb diid

Sheeko:War

Gaas to Ethiopia

Madaxwaynaha  Puntland ayaa xad gudub ku tilmaamay hadal ka soo baxay madaxweynaha maamulka Galmudug.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal ka jeediyay kulan lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay in madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) uu si ula kac ah ugu xad gudbay maamulka Puntland arintaasi oo uu sheegay inaysan qaadan doonin madaxda maamulka Puntland sida uu yiri.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in maamulkiisu aanu  cidna weerar ku ahayn, isla markaana ay diyaar u yihiin in cid waliba ay kula xisaabtamaan wixii kala dhexeeya isaga oo gar daro garab og ku tilmaamay hadal uu jeediyay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Puntland ayaa ku andacoonaysa in ay maamusho qaybta ugu badan  ee Mudug , halka maamulka Galmudug uu isna qayb ka maamulo gobolkaasi Mudug.

Waxa ayna ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan tix gelin dastuurka u yaala dalka oo qeexaya in maamul goboleed loo samayn karo labo gobol iyo wixii ka badan.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka wada arimiya gobolka Mudug.