U bood dhigaalka

Baydhabo: Booliska Dowladda FS oo hareereeyay xarunta ADC

Sheeko:War

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan booliska  ay isku gedaameen xarunta ADC-da oo saldhig u ahayd maamulka uu kal hore ku dhawaaqay Madoobe Nuunow Maxamed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in taliyaha booliska gobolka Baay Kornayl Mahad Cabdiraxmaan iyo ciidamo uu watay ay amreen in ciidankii  ku jiray xarunta ADC-da  dibadda loo saaro.

Gudaha magaalada Baydhabo ayaa saaka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, iyada oo ay odayaasha dhaqanka maamulka lixda gobol weli ku adkaysanayaan in uu jiro maamulka lixda gobol  ee Koonfur Galbeed.

Shalay ayay ahayd markii wasiiro ka tirsan maamulka uu madaxda ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed ay cod dheer ku sheegeen in ay ka tanaasuleen howlihii ay u hayeen maamulka, isla markaana ay taageereen maamulka saddexda gobol  ee ay aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya. Qaar ka tirsan maamul goboleedyada laga hir geliyay dalka ayaa sababay is qab qabsi iyo hardan.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.