U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo laga dalbaday xalka muran ka taagan maamulka Qoryooleey

Sheeko:War

Wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dalbaday inay soo fara geliso muran siyaasadeed oo ka dhex jira maamulka degmadaasi.

Cismaan Sheekh Cali Buraale oo sheegay in tan iyo markii ay dowladdu dib ula wareegtay degmadaasi uu joogay degmada ayaa xusay in guddoomiyaha gobolka uu keenay guddoomiye kale oo uu sheegay inuu si sharci darro ah ugu soo magacaabay degmada Qoryooleey.

Dhowaan ayay ahayd markii uu gaaray degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cismaan Shig Shigoow oo sheegay in wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda ay u magacowday maamulka degmadaasi, inkasta oo gudoomiye Buraale uu beeniyay arintaasi.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaan wax hadal ah ka soo saarin is qabqabsiga labdan masuul ka dhex taagan.