U bood dhigaalka

Baydhabo: Ciidamada dowlada oo heegan la geliyey iyo magaalada oo saaka xasiloon

Sheeko:War

Saraaakiisha dowlada ee ku sugan magaalada  Baydhabo ee Gobolka Baay  ayaa sheegaya in heegan la  geliyey ciidamada dowladda ee ku sugan  Baydhabo,  halkaasi oo ay ku sugan yihiin  siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka socda dowlada.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in magaalada tahay mid nabad gelyo ah oo  aanay waxba ka  jirin wararka tilmaamaya xiisado colaadeed oo u dhexeeya maamulada is garab ordaya.

Mahad, taliyaha boliiska Baydhabo ayaa  sheegay in ay kulan la qaateen Saraakiisha AMISOM, kaas oo looga hadlay sidii amaanka magaalada  Baydhabo loo adkayn  lahaa.

Shalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay isku gedaameen xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo oo saldhig u ahayd maamulka lixda gobol.

Dhanka kale, Ma’suul ka tirsan maamulka Lixda gobol ee Koonfur Galbeed  ayaa sheegay in diyaar ay  u yihiin ka qayb galka wada hadal lagu dhamaynayo is qab qabsiga  jira.

Aadan Cusmaan Sajuu oo  xubin ka ah maamulka Madoobe Nuunow ayaa sheegay in wada hadalkan uu sahlanaan doono haddii  wada xaajood  lala yeesho odayaashii lahaa aas-aaska  maamulkaasi.

Sujuu  ayaa  carrabka ku dhuftay in dowlada looga baahan yahay in ay samayso qorshe kasta oo la isugu  keenayo maamulada is garab ordaya  ee fadhigoodu yahay Baydhabo.