U bood dhigaalka

Rag dil ka geystay waqooyiga Gaalkacyo oo lagu raad joogo

Sheeko:War
Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Maamulka gobolka Mudug ee  Puntland ayaa ku raad jooga rag hubaysan oo dilal qorsheysan ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolkaaasi Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in magaalada ay ku soo badanayaan dilalka qorsheysan ee ka dhacaya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka dambeeyaan rag ka tirsan  Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay baaritaan ku hayaan kiisaska dilka ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ay ugu dambaysay dilka laba dhalinyaro ah oo habeen ka hor lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa maxkamad soo hor joojiya dadka ay ku eedeeyaan in ay ka tirsan yihiin  Al-shabaab ee geysta fal dil ah.